Qof walba wuxuu leeyahay meelo uu ka jilcanyahay. Laakiin waxaa jirta siyaabo aad ku dabooli karto– Alle ka cabsi iyo xiriirkaaga Alle oo adag. Qof aan ka baqayn inuu wax dhumiyo way adagtahay in la isticmaalo. Sidaas darteed waa sababta dadka badan kood ugu dhacaan “manipulation” in la isticmaalo.
Sidaas darteed waxaan ka hadlaynaa:
Waa maxay manipulation?
Qof walba wuxuu leeyahay meel uu ka jilcanyahay. Meel uu ka cabsi qabo, meel uu ka xanuunsan yahay, ama meel uu u baahanyahay in la fahmo, in la aqbalo, ama la jeclaado. Laakiin halkaas ayuu ka bilaabmaa dhibka. Qofka kale marka uu ogaado meelahaas jilicsan, haddii uu noqdo mid damiir xun ama dano gaar ah wata, wuxuu bilaabaa inuu si xeeladaysan uga faa’iideysto. Halkaas ayuu manipulation-ka ka dhashtaa.
Manipulation ma aha amar cad ama qasab toos ah. Waa faragelin qarsoon oo lagu sameeyo maskaxdaada, dareenkaaga, iyo go’aamadaada, ilaa aad adigu samayso wax aanu asal ahaan ka iman rabitaankaaga. Qofka ku manipulate-gareynaya wuxuu kuu abuuraa sawir ah in go’aanka aad qaadanayso uu adiga kaa yimid, halka xaqiiqadu tahay in si tartiib ah laguugu riixayay. Mararka qaar xitaa adigu waad difaacdaa qofkaas, adigoon ogayn inuu adiga ku adeegsanayo.
Maxaa lagu gartaa manipulators-ka (dad isticmaalayaasha)?
Qofka wax manipulate-gareeya badanaa hadalkiisa iyo ficilkiisu isma waafaqaan. Wuxuu ku hadlaa hadal qurux badan, naxariis leh, ama xitaa diin iyo xikmad ku dheehan tahay, balse marka ficilkiisa la eego, waxaad arkaysaa in hadalkaasi uusan ahayn xaqiiqo. Isbeddel joogto ah ayaa ku jira hadalkiisa, marna wuu kuu jilicsan yahay, marna wuu kugu adkaynayaa. Taasna ma aha wax iska yimid; waa xeelad uu kugu wareeriyo, si aadan u helin meel aad ku istaagto.
Maxaa lagu gartaa in lagu manipulate gareyneeyo?
Mid ka mid ah astaamaha ugu halista badan ee manipulation-ka waa in qofka la dhibaateynayo lagu qanciyo inuu is eedeeyo. Marka aad dareento xanuun, culays, ama dulmi, halkii lagaa dhageysan lahaa, waxaa lagugu yiraahdaa adigaa khaldan, adigaa wax si qaldan u fahmay, ama adigaa xasaasi ah. Si tartiib ah ayaa kalsoonidaada nafeed loo burburiyaa, ilaa aad ka shakido naftaada, go’aanadaada iyo dareenkaaga. Qofku markaas ma garanayo inuu xaq leeyahay ama inuu khaldan yahay, taas ayaana ah meesha uu manipulator-ku doonayo.
Maxaad kuu nugleysiinaayo?
Dad badan ayaa u nugul manipulation sababtoo ah waa dad qalbi furan, naxariis badan, ama doonaya nabad iyo xiriir wanaagsan. Qofka sidaas ah wuxuu ka baqaa muran, diidmo, ama inuu qof dhaawaco, sidaas darteed wuxuu iska indha tiraa calaamadaha digniinta ah. Laakiin runta adag ayaa ah in dadka wanaagsani ay yihiin kuwa ugu badan ee la isticmaalo. Ma aha sababtoo ah waa daciif, balse sababtoo ah waa dad damiir leh, halka kan kale uusan damiir adeegsanayn.
Maxay kugu maamulaan?
Manipulation-ka waxaa lagu maamulaa afar waxyaalood oo waaweyn: cabsi, eed, rajo, iyo naxariis been ah. Mar waxaa lagugu cabsi gelinayaa inaad waayi doonto xiriir, sharaf, shaqo ama fursad. Mar waxaa lagugu eedeynayaa inaad sabab u tahay dhib kasta. Mar waxaa lagugu hayaa rajo ah in wax walba hagaagi doonaan haddii aad samirto. Marna naxariis ayaa laguugu soo bandhigayaa si aad u jilcanaato marka aad bilaabayso inaad ka feejignaato. Qofka ku dhex jira xaaladdaas ma fahmayo waxa socda ilaa uu si dhab ah uga daalo nafsiyan.
Meelahee ayaad ka filan kartaa manipulation-ka?
Manipulation ma aha wax ku kooban hal meel. Waxay ka dhici kartaa qoys dhexdiisa, guur, saaxiibtinimo, shaqo, ama xitaa meelaha diinta iyo bulshada hoggaankeeda laga haayo. Xiriirka kuugu dhow ayaa inta badan ah kan ugu khatarta badan, sababtoo ah halkaas ayaad kalsooni ku bixinaysaa adigoon xisaabin.
Yaa adeegsada manipulation-ka?
Dadka inta badan adeegsada manipulation waa kuwa leh dabeecado sida isla-weynida (narcissism), Dhagarta (Machiavellianism), ama qalbi-adeega (psychopathy). Qaar waa narcissists, qaarna machiavellians, qaarna psychopaths, inkastoo aysan dhammaantood isku mid ahayn. Qaar waxay sameeyaan manipulation iyagoo og, qaarna iyagoo ku barbaaray ama dhaawac nafsaani ah qaba. Laakiin farqiga muhiimka ahi waa kan: qofka diida inuu is saxo oo sii wada waxyeellada, waa qof khatar ah.
Sideed iskaga difaaci kartaa ood uga guulaysan kartaa?
Is-difaaca dhabta ahi ma aha dagaal ama muran joogto ah. Waa faham. Marka aad fahamto manipulation-ka, awoodda uu kugu leeyahay way daciiftaa. Waxaad bilaabaysaa inaad aragto waxyaabihii aad hore u arki weyday. Waxaad dhisataa xuduudo cad, waxaadna joojisaa inaad sharaxaad badan bixiso ama aad mar walba is caddeyso. Maya in la yiraahdo ma aha dambbi, waana xuquuq.
Guusha dhabta ahi ma aha inaad ka adkaato qofka ku manipulate-gareynaya ama aad muujiso inuu khaldan yahay. Guushu waa inaad ka baxdo xakamayntiisa, maskax ahaan iyo shucuur ahaanba. Mararka qaar taasi waxay la micno tahay inaad xiriirka yareyso, mararka qaarna inaad gebi ahaanba ka tagto. Ma aha go’aan sahlan, balse waa mid badbaadinaya diintaada, maskaxdaada, iyo sharaftaada.Ugu dambayn, qofka Ilaahay ku xiran, kana shaqeeya tazkiyada (nadiifinta) nafta, wuxuu leeyahay garasho uu ku garto xaqa iyo baadilka. Manipulation-ku wuxuu ku shaqeeyaa mugdi iyo jahawareer. Iftiinka aqoonta, kalsoonida nafta, iyo tawakkulka Allaah ayaa ah difaaca ugu xooggan ee aad yeelan karto.
Qore: Dr. Ibrahim Suuley